Kulankii Ururka Jaamacadda Carabta oo laga soo saaray war-murtiyeed

24

Warmurtiyeedkii laga soo saaray Kulankii Barlamaanka Carabta ee Shalay lagu soo gaba gabeeyay magalaada Qaahira ee Caasimadda Masar ayaa diirada lagu saaray Arimaha Falastiin, Libya, Iraq, Yemen iyo Somalia.

Kuxigeenka Gudoomiyaha Barlamaanka Carabta Maxamed Axmed Alyamaaxi ayaa sheegay in Barlamaanka Carabta uu diidan yahay faragalin waliba oo dibada uga timaada Somalia gaar ahaan wadamada Dariska ah si ay u wiiqaan ayna u carqaladeeyaan Howlaha Doorasha ee Dalka kaa oo lagu heshiiyay iyadoo la raacayo Dastuurka Somalia u degsan.

Alyamaaxi ayaa uga digay Dowladdaha Soomaaliya Dariska la ah inay joojiyaan faragalinta Siyaasada gudaha Somalia isagoona cadeeyay in Dowladda Somalia loo madax banaaneyo Arimaheedi gudaha.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta ay joogteen doonaan taagerina doonaan arimaha amaanka iyo nabadgalyada iyo midnimada Somalia si horumar iyo xasilooni loo gaaro.

Digniinta Baarlamaanka Carabta ayaa imaanaya iyadoo ay Dowladda Somalia dhowaan Dalka ka ceerisay safiirkii kenya u fadhiyay Muqdisho oo lagu eedeeyay inuu faragalin ku haayo siyaasada gudaha gaar ahaan Dorashooyinka Dalka.