Madaxweyne Lafta Gareen oo daahfuray Isbitaalka degmada Baydhaba

11

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa magaalada Baydhaba ka daahfuray xarun caafimaad oo muhiim.

Xarunta caafimaad ee cusub ayaa waxa ay noqoneysaa Isbitaalka degmada Baydhaba ee gobolka Baay.

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay Isbitaalka degmada Baydhaba ayaa waxa ay dhacday maanta, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin uu ugu horreeyo madaxweyne Lafga Gareen iyo qaar kale oo ka tirsan maamulka  KGS.

Dhismaha xaruntan caafimaad ayaa waxaa loo qalabeeyo si heer sare ah, waxaana ay daahdurkeedu uu ku soo aadayaa xilli ay baahib weyn u qabeen shacabka ku nool magaalada Baydhaba iyo guud ahaan  gobolka Baay.