Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday Oo Ka Hadlay Warkii Maxkamadda Puntland

10

Maxkamadda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa duhurnimadii shalay shaaca ka qaaday waqtiga la dhageysan doono Dacwad ay u soo gudbiyeen Xildhibaanadii Puntland ee khamiistiin lasoo dhaafay xanaanada laga qaaday.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda SareĀ  ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dacwada oo ku aadan qaabkii loo maray xilka qaadista Xildhibaanadii Puntland la dhageysan doono 10-ka bishan December oo ku beegan maalinta barri.

Xildhibaanadaas oo gaaraya ilaa iyo 8-xubnood oo si hoose warbaahinta ula hadlay ayaa ka hadlay Qoraalkii kasoo baxay Maxkamadda Puntland oo lagu sheegay in Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ay u soo gudbiyeen Dacwda la xiriirta xilka qaadistoodii.

Waxaa ay sheegeen 8-dii Xildhibaan in aysan jirin wax Dacwad ah oo ay u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka Puntland, iyagoona beeniyay Qoraalkii kasoo baxay shalay Maxkamadda.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in ay weli yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro ah Baarlamaanka Puntland u maray xilka qaadistooda, iyagoona Xukuumadda ku eedeeyay inay ka dambeeysay arrintii dhacday.

Xildhibaandii xilka laga qaaday ayaa kala ahaa Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye), Maxamuud Axmed Caalin, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato) iyo Muuse Siciid Xassan (Jajabsay).