Wararka DFS oo mamnuucday in Shirar looga hadlayo Arrimaha Soomaliya lagu qabto Nairobi

23

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay waqti badan gelisay in hay’adaha gargaarka & gurmadka kala duwan siiya Soomaaliya balse xarumahooda Shaqada ka dhignay Nairobi inay kasoo guuraan taasina ay ku guuleysteen Saddexdii sano & barkii la soo dhaafay.

Wasiir Jamaal waxaa uu sheegay in Hay’adahaas ay dhaqaalo badan uga bixi jireen intii ay ku howgalayeen  Nairobi balse markii ay u soo guureen muqdisho, isla markaana  dhaqaalihii ay ku bixin jireen Nairobi ay  dalka kusoo noqdeen oo ay Shaqa abuur ku heleen Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in sanad kasta ay soo saaraan buug uu ku qoran yahay gargaarka wadanka soo gala, kaas oo cadeynaya gargaarka ay hay’adaha samafalka iyo Bangiyada ay siiyeen Soomaaliya.

Ugu dambeyn wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda ay awood u yeelatay in ay u yeerto Hay’adii ay doonto oo ay Soomaaliya ka howlgalayaan, sidoo kalena la mamnuucay in ay shirar looga hadlayo Arrimaha gargaarka Soomaaliya lagu qabto Magalada Nairobi.

Horay ayaa xukuumadda Soomaaliya ugu amartay Hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Soomaaliya balse xarumaha ka sameysay Nairobi inay Somaaliya u soo gooran, go’aankaas oo dhaqan-galay, isla markaana xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inay sitoos ah ula xisaabtami karto hay’adaha gargaarka.