Jubbaland Oo Xukun Ku Riday Rag Dil Ka Geystay Magaalada Kismaayo

14

Maxkamadda Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga gal-dacwadeedka kiis dil ah, sidoo kalena xukun ku riday eedeysaneyaal loo haystay kiis kale oo dil ah. 6 eedaysane oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa kasoo hormuuqday Maxkamadda.

Dhegaysiga dacwadda iyo xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ehelada eedaysnayaasha iyo kuwa dhibanayaasha. Lixda eedaysane ayaa afar kamid ah waxaa loo haystaa in ay jir dil u gaysteen Nuur Maxamed Cabdulle kaas oo markii dambe u geeriyooday jirdilkii ay u geysteen.

Afarta eedaysane oo ka tirsan ciidanka u xilsaaran ilaalilnta dhulka ayaa waxay Maxkamada ku xukuntay diyo boqol Hallaad oo Geela taas oo lacag ahaan u dhiganta $50,000, Maxkamadda ayaa sheegtay in magta marxuumka loo qaybiyay labo qaybood taas oo $30,000 ay bixinayaan ehelada Ciidanka halka, $20,000 ay bixinayso hay’adda dhulka Jubbaland.

Sidoo kale Maxkmadda ayaa isla goobta ku dhegaysatay eedda falal dil ah kuwaas oo loo haysto Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Xassan Xumeey Axmed, xeer ilaalinta ayaa Wayrax Khaliif Yuusuf ku eedeysay in uu dil u geystay Xaliimo Rooble oo 50 sano jir ah, halka Xasan Xumeey Axmed oo ah Taliye horin lagu eedeeyey dil ciqaabeed uu u geystay mid ka mid ah askartiisa sidaasna uu ku naf waayay.

Eedaysane Wayrax Khaliif Yuusuf ayaa sheegay in xabbada ku dhacday marxuumad Xaliimo Rooble aysan ahayn mid uu si bareer ugu dhuftay, wuxuuna codsaday in xukunka loo khafiifiyo.

Kabtan Nuur Xassan Axmed xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Jubbaland iyo Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa siwada jir ah Maxkamadda uga hor akhriyay eedemaha iyo xukunka loo haystay dhamaan edesanayaasha.