Guddigii uu soo magacaabay Qoor Qoor oo ka mid noqday xubnaha tababarka loo xareeyey

6

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in xubnaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee metelaya Galmudug lagu daray xubnihii maanta loo xareeyey tababarka la xariira doorashada dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xareysay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed oo weli kala dhiman, kuwaas oo la dejiyey Hotelka Peace oo ku yaalla meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilo ku dhow dhow xubno ka tirsan guddiga doorashada Galmudug ee lagu muransan yahay ayaa KNN u sheegay in Madaxweyne Qoor Qoor uu xalay ku soo wargeliyay inay Arbacada maanta ah tababar u xaroodaan.

Shalay ayaa xubnaha guddiyada lagu muransanyahay ee heer dowlad goboleed kuwooda laga soo magacaabay HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaa lagu xareeyey hotel Peace, iyadoo Madaxweyne Qoor Qoor uu dalbaday in dib loo dhigo xareynta xubnihii uu soo magacaabay.

Tallaabada uu haatan Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ku go’aansaday in la xareeyo guddigii doorashada ayaa meesha ka saareysa dhex dhexaadintii uu ka dhex waday Midowga Musharaxiinta mucaradka ah iyo Madaxweyne Farmaajo.