Khasaare ka dhashay diyaarad ku dhacday dalka Faransiiska

18

Ugu yaraaan Shan qof ayaa ku geeriyootey halka tirada kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay soo dhacday diyaarad nooceeda uu ahaa Helicopter sida ay ku warameyaan warbaahinta maxaliga ah ee dalka Faransiiska maanta oo Arbaaca ah.

Diyaarada ayaa waxaa lahaa shirkad gaar loo leeyahay oo Aerien Farance lagu magacaabo, waxaana diyaaradaasi ay ku soo dhacday meel u dhaw magaalada la yiraahdo Bonvillard oo dalka Faransiiska.

Sababta keentay in diyaarada ay soo dhacdo ayaan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Laamaha ammaanka ee  dalkaas.

Duuliyihii diyaaradda ayaa ay wararku sheegeen in uu ka badbaaday oo uusan soo gaarin wax saameyn ah, balse warar aan lagu kalsooneyn ayaa sheegay in diyaaradda ay cillad hawada ku qabsatay.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi.