Abiy Axmed iyo oo lagu soo dhaweeyay dalka Kenya

23

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Kenya .

Abiy Axmed iyo wafdigiisa ayaa ka degay magaalaa Mooyaale oo taalla Gobolka Marsabit ee dalka Kenya, waxaana halkaasi uga hortagay madax uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyata.

Abiy ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay dalka Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dalkaasi ugu sareysa iyo sidoo kale isagoo safarro ku tagi doona magaalooyin iyo deegaannada qaar ee dalkaasi.

Ujeedada ugu weyn ee Mr.Abiy ee safarkiisan ayaa waxa uu ku qotomaa xarig jarka Barkoontarool oo ku taalla xadka ay Labada dal wadaagaan.

Deegaanka Laamu ayaa ka mid ah meelaha uu booqan doona Abiy Axmed, oo uu si gaar ah uga qayb qaadan doono dhagax dhigga dekad cusub oo halkaasi ay ka hirgelin rabto dawladda Kenya.