QM oo dalab la xariira dagaalka gobolka Tigray u gudbisay DF Itoobiya

3

Qaramada Midoobay waxay ka codsatay dowladda Itoobiya inay wadooyinka u furto gargaarka bani’aadamnimo ee gobolka Tigray, iyadoo ay jirto walaac laga qabo cunno yari iyo xaaladda caafimaad oo laga deyrinayo gobol ay ku nool yihiin dad ka badan siddeed milyan.

”Qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa rasaas lagu furay halka kuwa kalena la xiray.” Ayuu yiri afhayeenka dowladda Mr Redwan oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Muddo ka badan saddex toddobaad, Abiy Axmed waxay ciidamadiisa howlgal ka wadaan gobolka Tigray, si meesha looga saaro maamulka TPLF ee ka taliyo halkaas kaddib markii lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen saldhigga militeriga ee ku yaalla gobolkaas.

TPLF waxay maamulka la wareegeen sanadkii 1991-dii balse waxay awoodda lumiyeen markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Mr Abiy markii uu awoodda qabtay wuxuu helay taageero badan, wuxuu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo meesha looga saarayo musuqmaasuqa iyo tacaddiyada ka dhici jiray Itoobiya markii ay talada hayeen TPLF in ka badan 25 sano.

Dhanka Kale Rai’sal wasaare Abiy Axmed ayaa ku guuleystay billadda Nababadda ee Nobeel-ka, waxayna guddiga sheegeen inuu biladda ku muteystay doorkiisa xallinta khilaafaadka xadka ee kala dhexeeya Ereteriya, iyo kor u qaadista nabadda iyo dib u heshiisiinta dalkiisa iyo guud ahaan Bariga Afrika.

Sannadkii 2018-kii Abiy waxaa uu dhaxlay waddan uu hareeyay khilaaf aan la xallin karin oo ka jiray xuduudda dhanka woqooyi, oo ah gobol ay xasillooni darradu si weyn dib ugu dhigtay horumarkiisa dhaqaale.

Dhawr bilood gudahood, wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Eritereya oo ah dal ay Itoobiya la gashay dagaal culus.