Al-Shabaab oo hub kala soo degay xeebaha gobolka Sanaag

17

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay hub kala soo dageen xeebaha ku teetsan gobolka Sanaag.

Ilo la ay bixiyeen Laamaha Amniga ayaa sheegay in Xeebta lagu magacaabo Durdur oo ku taalla magaalada Laasqoray ay dagaalamayaasha Al-Shabaab kala soo degeen hub fara badan oo nooca fudud ah.

Hubkan ayaa saarnaa doonyo yar yar oo loo ekaysiiyey kuwa Kalluumeysiga, waxaana la wareegay xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo sida la sheegay ka soo degay Buuraleyda Calmadow.

Sidoo kale ilo wareedyada la helay, ayaa sheegaya in hubkan laga keenay dalka Yemen, isla markaasina lagu soo raray doonyaha, ilaa iyo haddana lama oga cadada rasmiga ah ee hubkan.

Soomaaliya ayaa inta badan waxaa la sheegaa in la soo geliyo hub sharci darro ah, kuwaas oo wakaallado waaweyn oo arrimaha Soomaaliya wax ka qora ay marar badan xuseen in dalal badan oo Soomaaliya xiriiro wanaagsan la leh ay hub sharci darro ah u soo dusiyaan, ururada ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ee  Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxaa ka mid ah dalalka ay xuseen wakaaladahaasi wax ka qoray arrimaha Soomaaliya iyo hubka loo soo geliyo sifooyinka sharci darrada ah Itoobiya iyo Yemen, dawladda Itoobiya mar ay ka jawaabtay eedaymahan dhanka hubka sharci darrrada ah ee loo soo jeediyay, waxa ay tilmaamtay in ay tahay waxba kama jiraan oo waa ay  iska fogaysay.