Dad loo heysto dilkii iyo kufsigii Xamdi Maxamed oo la hor-geynayo maxkamadda G/Banaadir

22

Waxaa maanta lagu wadaa in maxkamada gobolka Banaadir la horgeeyo  ama lasoo taago dad ku eedeysan kufsi iyo dil degmada Waaberi ee gobolka Banaadir loogu geystay 12-kii bishii September Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar da’yar.

Dadka falkaan in ay ka danbeeyeen ku eedeysan ayaa iskugu jira rag iyo dumar, waxaana marxuum Xamdi laga soo tuuray dabaq ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa kol hore sheegay in falka kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax loo qabtay dad gaaraya 11-qof, kuwaas oo maxkamad la horgeyn doono.

Sidoo kle nin ku eedeysnaa in uu ka dambeeyey dhacdadaan ayaa waxaa lagu qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaas oo qirtay in uu ahaa nin marxuum Xamdi geeyey goobta lagu dilay.

Dhowr jeer ayaa waxaa maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay dad ku eedeysan falka kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax, waxaana maanta lagu wadaa in kiiskaas lasoo geba-gabeeyo.

Ehellada marxuum Xamdi oo wartbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in cadaaladda  loo marsiiyo dadkii ka danbeeyey dilki iyo kufsigii loo geystay marxuum Xamdi Maxamed Faarax.