DF Soomaaliya oo shuruud dul dhigtay dadka ku safraya baasaboorka Kenya

42

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa amaro ku soo rogtay socdaalka muwaadiniinta Kenyaanka ah ee doonaya in ay u soo safraan gudaha dalka Soomaaliya.

Hey’adda ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in amarkan uu dhaqan gelayo 13-ka bishan December.

“Iyadoo la fulinayo siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka iyo yareynta cudurka COVID-19, laga bilaabo 13-ka bishan December, dadka ku safraya baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaa looga baahanyahay dal kugal, waxayna ka soo qaadan karaan safaaradda Soomaaliya” ayaa lagu yiri wargelin ka soo baxay hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraya baasaboorka dublumaasiga ah, waxaa looga baahanyahay ogolaanshaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya.”

Ugu dambeyntii qoraalka waxaa lagu yiri, “Cid kasta oo khuseyn karto, waxaa laga rajeynayaa inay fulin doonto u jeedada war-gelintaan.

29-kii bishii November dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkii u joogay Nairobi, waxayna safiirkii Kenya ku amartay in dalkiisa uu ugu laabto la tashi. Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay farogelin arrimaha gudaha ah