Diyaarad laga leeyahay Jabuuti oo shil ku gashay garoonka Garowe

9

Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe waxaa goor dhow ku dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda AirJabuuti ee laga leeyahay dalka Jabuuti.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno shilkaas waxay sheegayaan in wax khasaare nafeed aysan ka dhalan.

Qeybaha dambe ayaa la sheegay in diyaaradda uu ka soo gaaray burbur xoog leh, welina lama shaacin sababta keentay shilkaas.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa looga soo saaray si nabad ah, waxaana la filayaa in maamulka garoonku uu faahfaahin ka bixiyo sababta keentay shilkaas.