Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo maanta weerar gaystay magaalada Gaarisa

6

Warar aan ka helayno magaalada Gaarisa ee Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo Kenyaan ah oo ku yaalla deegaanka Fafi oo hoostaga magaalada Gaarisa.

Dagaakan ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhintay Sarkaal Booliis ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay mid kale, sida uu warbaahinta dalkaasi u sheegay Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Gaarisa Emmanuel Opuru.

Mr. Opuru ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta in hadda xaaladdiisa caafimaad ay soo fiicnaaneyso Sarkaalka dhaawac ah, oo hadda ku sugan goob caafimaad .

Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay bur bur soo gaarsiiyeen qaybta  Keydka hubka ee saldhiggii ay weerareen, waxaana  weerarkaasi uu socda muddo kooban sida la sheegay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay wadaa hawlgallo ay ku baadigoobayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, ee maanta weerarka ka gaystay magaalada Gaarisa.