Gaadiid fara badan oo ku xayiran duleedka deeganno dhaca gobolka Hiiraan

21

Wararka naga soo gaaraya deegaannada gobolka Hiiraan dhaca ayaa waxa ay sheegayaan maana halkaasi ay ku xayiran yihiin gaadiid fara badan.

Gaadiidkan ayaa ah kuwa ka dhex shaqeeya magaalooyinka dhaca gobollada Hiiraan iyo Bari ee Puntland, waxa ayna u xayiran yihiin Lacag Canshuur xad dhaaf ah oo ay sheegeen in lagu soo dallacay.

Deegaannada Dhisaqa iyo Bacda ee Hiiraan ayay sheegeen qaar ka mid ah dawarallada gaadiidleydaasi in ay tahay meelaha looga qaado Lacagtan Canshuurta ah.

Waxa ay sidoo kale KNN u sheegeen in maleeshiyaad sheegta in ay kala yaabacsan yihiin maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ay midba gaar uga qaadaan Canshuurtan .

Waxa ay sidoo kale dalbadeen in masuuliyiinta dalku ay arrintoodan wax ka qabtaan, maadaama aysan awoodin xaaladdan soo wajahday.