Xildhibaano ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland in uu is casilo

23

Kaddib markii Maanta uu buuq ku dhamaaday Kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa Xildhibaano ka tirsan maamulkaas ay ku eedeeyeen guddoomiyaha Golaha Wakiilada puntland in uu sabab u ahaa wixii dhacay, waxaana ay ka dalbadeen in uu is casilo.

Xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland oo shir jaraa’id Garoowe ku qabtay ayaa waxaa ay ku eedeeyeen guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusf Jibriil in uu afduubtay habsami u socodka howlaha & Xarunta Baarlamaanka, isla markaana uu Xildhibaannada u adeegsay Ciidamadiisa gaarka ah.

Waxaa ay Xildhibaannada ugu baaqeen guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusf Jibriil in uu is casilo inta aysan xilka ka qaadin, iyaga oo ku eedeeyay in uu kala qeybiyay Golaha Wakiilada Puntland, sidoo kalena uu ka been sheego fadhiyada Golaha.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  in uu sugo amniga Xarunta Golaha Baarlamaanka Puntland oo ay sheegeen in uu Ciidamo farabadan keensaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.