Wasiirka arrimaha dibadda oo maanta kulan la yeeshay safiirka Soomaaliya ee Kenya Tarsan

16

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kadib markii loogu yeeray shalay inuu dalka dib ugu soo laabto, si loola yeesho wadatashi ku qotoma xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa talooyin iyo tilmaamo siiyay Danjire Tarsan, sidoo kale Danjiraha ayaa wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal.

“Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yeeratay safiirkeeda Nairobi wadatashi, halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo ka jawaabeysa faragelinta qaawan ee kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.