Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo War murtiyeedkii dhowan ay soo saareen Qaar ka mid ah Musharaxiinta u Taagan Madaxtinimada Dalka oo ka dhacay Magaalada Baardheere.

19

Boqolaal qof oo isugu jirey Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Maanta ka qeybgalay isu soo bax balaaran oo looga soo hor jeedo War murtiyeedkii ay soo saareen dhowaan Muqdisho ay ka soo saareen qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada oo shirkooda uu ka soo baxay Qodobo ay ka mid yahiin in Ciidamada DF laga soo saaro Gobolka Gedo.

Xubnahii ka Hadley dibad baxa ayaa dareenkooda waxaa ay ku muujiyeen sida ay u bar bar taagan yahiin DF,islamarkaana ay uaga soo horjeedaan Natiijooyinkii ka soo baxay Shirkii Xamar oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid wiiqaya nidaamka Dowlad nimada.waana kuwan Qaar ka mid ah Dadkii ka Hadley Dibad baxa.

Ugu dambeyntii waxaa soo xirey Dibad baxa ,islamarkaana dareenkiisa ku biiriyey Maxamed Weli Qorax oo ah Gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere.

Sidoo kale Dibad baxyo midkaan la mid ah ayaa maanta waxay ka kala dhaceen degmooyinka kale ee Gobolka Gedo.