Axmed Madoobe oo DF ka dalbaday in maamulka doorashada G/Gedo ay ku soo wareejiso

25

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madooobe oo mudooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Jubbaland ayaa ugu horeyn ticsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday ka hadlay dhacdooyin dhowr ah oo Al-Shabaab ay ka geysteen dalka, isagoo tilmaamay in wadajir iyo midnimo looga guuleysan karo dagaalka lagula jiro kooxda.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxuuna dowladda federaalka ugu baaqay in maamulida arrimaha doorashada ee gobolka Gedo ay kusoo wareejiso dowlad gobaleedka Jubbaland.