AUN waxaa Isbitaalka Xoogga lagu aasay dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Xalay Muqdisho

13

Allaha ha unaxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka socota aaska sideed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay weerar argagixiso oo ka dhacay maaqayad ama goob lagu nasto ee loo yaqaano Gelato Devino ee ku taala kasoo horjeedka xarunta sahal ee wadada garoonka aadan cade gasha.

Aaska waxaa ka qeyb-galay boqol dad shacab ah,qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ,saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Weerarka xalay lala beegsaday goob lagu nasto ayaa sidoo kale waxaa jiro dadka kale oo dhaawacyo  ay ka soo gaareen iyadoo lagu dabiibayo isbitaalada magaalada Muqdisho.