Midowga Musharixiinta oo jawaab ka bixiyay hadalkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

17

Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii uu shalay sheegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ee ahaa hadii bootada ay Akhrinayaan musharixiinta ay afkooda soo dhaafto in meeshii laga soo diray ay u carari doonaan.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa lagu cambaareeyay hadalkii Guddoomiye Cumar filish, waxaana ay sheegeen in uu ahaa mid Colaad lagu hurinaayo.

Sidoo kale Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha waxaa ay sheegeen in farriinta ka timid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay dhab u qaadanayaan inay tahay hanjabad ka timid Madaxweyne Farmaajo toosna ugu socota Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha.

“ Golaha waxaa u cadaatay  in hoggaanka dalka uu adeegsanayo tabihii Al-Shabaab ee xalaaleysiga dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, iyada oo Diin loo adeegsanayao, si ula kac ahna uu hoggaanka dowladdda u hurinayo colaad, una abuurayo naceyb iyo xasarad Bulshada dhexdeeda ah gaar ahaan Shacabka Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri” Qoraalka musharixiinta.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ee ay xukuumadiisu ku hawlan tahay.