Taliyihii hore ee Ciidanka cirka Soomaaliya Jen Khaliif Ciise Mudan oo Geeriyooday

71

Taliyihii hore ee ciidamada cirka soomaaliya dowladii militeriga Jeneral khaliif Ciise Mudan ayaa ku geeriday wadanka Turkiga oo uu mudo ku xanuusanaa.

Marxuumka ayaa soo noqday wasiirka amniga puntland xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole, sidoo kale waxa uu  kamid ahaa musharixiintii kula tartamay xilka madaxweynaha puntland doorashadii 2019 ee uu hada hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Hadii aan fiirino taariiqdiisa oo kooban

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland sanadkii 1954-tii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose,dhexe isla magaaladda Boosaso,sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtey Dugsiga Jamaal Cabdinaasir magaaladda Muqdisho ee  Gobolka Banaadir.

1974-tii wuxuu dhamaystey jaamacad ku taala dalka Ruushka, wuxuuna noqday duuliye sarre (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya, ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jirey Alle ha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1986-dii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala dalka Mareykanka shahaadada Master-ka gaar ahaan cilmiga, Master of Business MBA (leadership, Human resource and management.

Waxaa uu lataliye amni u ahaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ugu dambeyn goordhaweyd ayuu ku geeriyooday wadanka turkiga Allah ha naxariistee Generaal Gen khaliif ciise.