Beesha Caalamka oo ku biireysa shirka musharaxiinta iyo wararkii u dambeeyey

30

Shirka Wadatashiga ee Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii afaraad galay ayaa maanta waxaa kusoo biiray qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ganacsatada iyo haweenka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in ay maanta shirka ku biiraan wakiillada beesha caalamka oo aalada Zoomka kaga qeyb galaya shirkaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta la lasoo gabogabeen doono shirka, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada Soomaaliya ee 2020 – 2021-ka.

War-murtiyeedka shirka oo galabta soo bixi doono ayaa ah mid isha aad loogu wada-hayo, isla markaana laga war dhowrayo dhawaqa ka soo yeeri doono musharraxiinta.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashadaasi.