Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada AMISOM ayaa toogasho ku dilay seddax qof oo uu ka mid yahay wade gaari Dameer, kadib markii maanta kolonyo gaadiid AMISOM ah lagu Qarxiyay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir. Sidoo kale dadka noo waramay waxa ay sheegeen in qof dumar, nin watay gaari Dameer iyo ilma yar ay ku geeriyoodeen rasaas ay fureen ciidamada AMISOM, halka ugu yaraan lix qof oo shacab ahna ay dhaawacyo soo gaareen. Kol sii horeysay maamulka degmada Kaaraan ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa aysan jirin wax khasaare ah oo dad shacab ah ka soo gaaray, balse faahaahin ayaa laga helayaa in dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Si gaar ah goobta uu qaraxaasi ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Dabaqa-dhiiga, waxayna u dhawdahay masaajidka Turkiga oo dhanka waqooyi ka xiga isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Kaaraan.

25

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada AMISOM ayaa toogasho ku dilay seddax qof oo uu ka mid yahay wade gaari Dameer, kadib markii maanta kolonyo gaadiid AMISOM ah lagu Qarxiyay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

Sidoo kale dadka noo waramay waxa ay sheegeen in qof dumar, nin watay gaari Dameer iyo ilma yar ay ku geeriyoodeen rasaas ay fureen ciidamada AMISOM, halka ugu yaraan lix qof oo shacab ahna ay dhaawacyo soo gaareen.

Kol sii horeysay maamulka degmada Kaaraan ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa aysan jirin wax khasaare ah oo dad shacab ah ka soo gaaray, balse faahaahin ayaa laga helayaa in dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Si gaar ah goobta uu qaraxaasi ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Dabaqa-dhiiga, waxayna u dhawdahay masaajidka Turkiga oo dhanka waqooyi ka xiga isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Kaaraan.