Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada AMISOM ayaa toogasho ku dilay seddax qof oo uu ka mid yahay wade gaari Dameer, kadib markii maanta kolonyo gaadiid AMISOM ah lagu Qarxiyay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir. Sidoo kale dadka noo waramay waxa ay sheegeen in qof dumar, nin watay gaari Dameer iyo ilma yar ay ku geeriyoodeen rasaas ay fureen ciidamada AMISOM, halka ugu yaraan lix qof oo shacab ahna ay dhaawacyo soo gaareen. Kol sii horeysay maamulka degmada Kaaraan ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa aysan jirin wax khasaare ah oo dad shacab ah ka soo gaaray, balse faahaahin ayaa laga helayaa in dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Si gaar ah goobta uu qaraxaasi ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Dabaqa-dhiiga, waxayna u dhawdahay masaajidka Turkiga oo dhanka waqooyi ka xiga isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Kaaraan.

30

Ciidamada Israel ayaa sheegay in Israel ay duqeysay saldhigyo ay ciidamada Syria iyo Iran ay ku leedahay Koofurta Syria maanta oo arbaca ah kadib markii Israel ay ka war heshay Miinooyin lagu aasayay buuraha Goolaan oo ay Israel maamusho.

Wakaalada Wararka Syria ee Sana ayaa soo xiganaysa sarkaal militeri oo sheeegaya in sedex askari ay dhintaan sarkaal kalana uu ku dhawacmay weerarkaasi israel ay geeysatay.

Ciidamada Israel bayaan ay soo saaren waxa ay ku sheegen in ay duqeeyeen xarumo hubka lagu keydiyo iyo sladhigyo ay ku sugnaayeen ciidamo Iranian ah.

Bayaanka waxaa lagu yiri Iran ayaa door weyn ka qaadanaysa sidii amni dari ay uga abuuri lahayd dhinaca buuraha goolaan ay Israel maamusho.

Wasiirka Difaaca Israel Beni Jaantis ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in qaraxyo lagu aaso dhulka Syria ay sida awooda uga qabsadeen ee dagaalkii 1967.

Horey dhowr jeer ayay ciidamada israel weerareen saldhigyo ay ku tuhmeen inay ciidamada Iran ah ama kooxo ay taagerto ka dhaq dhaqaan.

Madaxweynaha Syria ayaa ayaan wali sheegin run ahaanshiyaha in ciidamo Iran ah ay taagerayaan Ciidankiisa.