Dad loo xiray suuqa madow ee Nairobi oo lagu iibiyo carruurta lasoo xaday

27

Saraakiisha ciidamada booliska ee dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen shabakad ka ganacsata carruurta oo ka howlgasha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Seddex qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka oo ka howlgala cisbitaallada dowladda Kenya ee magaalada Nairobi ayaa xiray, waxaana lala xariirinayaa arrintaas, sida ay sheegeen saraakiishu.

Bayaan kasoo baxay taliyaha guud ee booliska Kenya Hillary Mutyambai ayaa lagu sheegay in dadka ku lugta ka ganacsiga sharci darrada ah ee carruurta ay kamid yihiin saraakiil sare oo ka tirsan howlwadeenada caafimaadka ee dalka Kenya.

Taliyaha ayaa amar ku siiyay booliska ka howlgala magaalada Nairobi, inay baaritaan ku sameeyaan xarumaha lagu xannaaneeyo carruurta, isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda ee lala xiriirinayo arrintan.

Waayihii dambe waxaa soo badanayey wararka la xariira inay jiraan suuqyo lagu kala iibsado caruurta oo ka jira dalka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi.