Abiy oo shaaciyey caqabad ciidamadiisa ka heysata inay gudaha u galaan caasimada Tigray

15

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta sheegay in ciidamada federalka ay ku dhawaadeen magaalada Maqalle ee caasimada u ah is-maamulka Tigray-ga, kadib dagaal xoog leh oo ay ciidamadu qaadeen.

War kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaare Abiy ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay hadda kaabiga ku hayaan caasimadda Maqalle.

Sida ku cad qoraalka Abiy ayaa ku eedeeyay ciidamada u dagaalamaya kooxda Tigray-ga ee TPLF, inay gooyeen buundooyinka magaalada loo maro, taas oo keentay in ciidamadu ay ku hakadaan banaanka magaalada.

Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada Tigray ay burburiyeen illaa 4-buundo oo magaalada Maqalle laga galo, hase yeeshee ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in aysan ciidamadu u jooji doonin taas oo ay sii wadi doonaan howlgalka.

Boqolaal ruux ayaa la aaminsanyahay inay ku naf waayeen dagaalka mudada labada todobaad ah ee uu waqooyiga dalka Itoobiya ka socday dagaalkaas u dhaxeeya ciidamada dawlada dhexe iyo kuwa jabhadda Tigray ee TPLF loo yaqaan.

Afhayeen u hadlay jabhadda TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada dawlada inay duqeyn ku burburiyeen dhismooyin dad rayid ah degenyihiin oo ku yaallay magaalooyinka gobolka Tigray-ga.

Militeryga Itoobiya waa ay beeniyeen eeda loo jeediyay, waxayna wasaaradda gaashaandhigu sheegtay inay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay leeyihiin ciidamada jabhadda hubeysan ee Tigray-ga.

Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dad ku dhaw 30-kun oo ruux oo ka cararay colaadda gobolka Tigray-ga ka jirta ay tageen xeryo ku yaalla dalka Sudan, waxayna hey’addu sheegtay inay jirto xaalad bini’aadanimo.

Dawladaha gobolka qaarkood oo ay ku jiraan Jabuuti, Uganda iyo Kenya ayaa ku baaqaya in colaada wadahadal lagu badalo, si looga baaqsado in dagaal sokeeye uu dalku gacaha la galo.