Maxay dowaldda Qatar ka tiri heshiisyada Israel iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta?

15

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ayaa sheegey in xiriirka ay dalal Carbeed la sameeyeen Israel uu majaxaabineyo dadaallada lagu doonayo in Falastiin ay dal ku noqoto, balse waxa uu sheegey in dalalkaasi ay u madax bannaan yihiin inay sidaasi sameeyaan.

Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Sudan ayaa bilihii dhawaa go’aansaday inay cadowtooyadii Israel kala dhaxeysay meel iska dhigaan, oo ay xiriir wanaagsanna abuuraan, kadib heshiisyo uu ka soo shaqeeyay maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hoggaamiyayaasha Falastiin, ayaa ku eedeeyay dalalkaasi qayaano, halka saraakiil Mareykan iyo Israel ah ay sheegeen in dalal kale oo Carbeed ay waddada ku soo jiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar, Sheekh Maxammed bin Cabdulraxman Al-Thani ayaa yiri “waxay ila tahay inay wanaagsanaan laheyd in la helo Carab mideysan oo danaha Falastiiniyiinta ka dhigta midka koowaad, soo afjarana heysashada Israel.”

Wasiirka ayaa hadalkaasi u sheegey madasha Global Security Forum.

Waxa uu sheegey in kala qeybsanaantu aanay caawineyn dadaallada wadajirka ah ee Carabta ee ku aaddan in Israel ay la xaajooto Falastiin, islamarkaasina la dhammeeyo khilaafaadka tobannaanka sano ka dhaxeeyay labada dhinac.

Balse Sheekh Maxammed bin Cabdulraxman Al-Thani ayaa sheegey in dalalka heshiiska la gaarey Israel ay yihiin kuwa marka ugu dambeysa go’aan ka gaara waxa u wanaagsan dalalkooda.

REUTERS