Joe Biden oo la filayo inuu taariikh cusub ka sameeyo Pentagon-ka

18

Madaxweynaha la doortay Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu qaado tallaabo taariikhi islamarkaana uu haweeney u magacaabo inay noqoto Xoghayaha Gaashaandhigga markii ugu horreysay taariikhda.

Haddii uu sidaas sameeyo, waxay meesha ka saari doonta mid ah xeendaanyada harsan ee weli ku hor gudboon haweenka ee la xiriira wasaaradaha aysan weli hogaamin.

Michele Flournoy, oo siyaasad ahaan qunyar socod ah, islamarkaana ahaa rug caddaa muddo ka shaqeyneysay Pentagon-ka, ayaa saraakiisha Mareykanka ay rumeysan yihiin inay tahay haweeneyda loo badinayo inay xilkan qabato.

Magacaabisteeda ayaa iman doonta kadib afar sano oo Pentagon-ka ay aheyd wasaarad aan xasilooneyn, oo ay soo mareen shan xoghaye, muddadii uu xilka hayey madaxweyne Trump.

Xoghayihii ugu dambeeyey ee gaashaandhigga Mark Esper ayaa madaxweyne Trump waxa uu xilka ka qaaday Isniintii, kadib markii ay isku khilaafeen arrimo badan oo ay ka mid tahay in ciidamada Mareykanka laga soo saaro dalalka caalamka qaarkood.

Dimoqraadiga ayaa muddo isku dayayey inay haween u magacaabaan xoghayaha gaashaandhigga. Flournoy, oo 59 jir ah ayaa la rumeysnaa inay ahayd xulashada Hillary Clinton ee xilkan, haddii ay ku guuleysan lahayd doorashadii 2016-kii.

AP