Wafuud ka kala socota dowladda dhexe, Galmudug iyo WFP oo maanta gaartay Hobyo + Sawirro

10

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka dekedaha iyo kalluumaysiga Galmudug ayaa goor dhow gaaray magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa isla saakay Hoboyo gaaray wafdi kale oo ka baxay Muqdisho, kaas oo uu hoggaaminayo wasiirka dekedaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga dowladda dhexe ee Muqdisho ka baxay waxaa qeyb ka ah safiirka dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socda hey’adda WFP.

Ujeedka safarka masuuliyiintaas ay ku tageen magaalada Hobyo ayaa ah xarig jarka deked macmal ah oo ay Hobyo ka dhistay hey’adda WFP.

Wasiirka dekedaha Galmudug Cabdi-Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska heshiis lagu dhisayo dekedda Hobyo kula soo saxiixday shirkado caalami ah oo dhisme ku bilaabaya dekeddaas oo muhiim u ah Galmudug.

Marka laga soo tago in ganacsatada reer Galmudug ay alaabahooda kala soo degi doonaan Dekedan macmalka ah, waxaa loogu tala galay in laga soo dejiyo qalabka lagu dhisayo dekedda weyn ee Hobyo.