Maxay DF kala hadashay mas’uuliyiinta hey’adda FAO?

21

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, ayaa  Kulan muhiim ah maanta kula yeeshay xafiiskiisa Agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda cuntada iyo Beeraha Qaramada Midowbay FAO.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar galinta qorshayaasha hay’adda Beeraha FAO, ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale kulanka waxaa la isku waydaarsaday xogo muhiim ah oo dhinaca hormarinta beeraha iyo Cuntada, taasi oo ay isku afgartay.

Agaasimaha Hay’adda Beeraha QM ee Soomaaliya, Mr Etienne Peterschmitt wuxuu ka mahad celiyay xariirka iyo wada shaqaynta wanaagsan ee Wasaarada Qorsheynta, wuxuuna ballan qaaday in ay fulin doonan go’aannada  shirka ugu muhiimsan sida wareejinta  xogaha ay aruuriyeen, taasi oo xoojinaysa wada shaqaynta labada dhinac.

Jamaal Maxamed Xasan  Wasiirka wasaaradda Qoshaynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya, ayaa dhankiisa tilmaamay in kulankaan muhiimad wayn xanbaarsan yahay, si dowladda Soomaaliya ay kala wareegto Hay’adda cuntada iyo Beeraha Qaramada Midowbay FAO xogta dalka ay ka aruurisay dhinacyada ay ka shaqaynso, taasoo muujinaysa awoodda hay’adda Istaatiisikada qaranka.

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa wada daddaallo lagu xoojinayo Hay’adda Istaatiskada Qaranka oo ah howsha loo igmaday Wasaaradda aruurinta, kaydinta iyo baahinta xogaha wadanka oo ay wasaaradda doonayso in ay kala wareegto hay’adaha xogaha ka haya dhinacyada ay Soomaaliya ka taageeran.