Maxaa looga hadlay kulankii ay soo abaabushay DF ee ka dhacay Dhuusamareeb?

13

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Ludfi Shariif Maxamed ayaa magaalada Dhuusamareeb uga qayb-galay kulanka soo aruurinta aragtida bulshada Galmudug ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib u eegista lagu sameeyay.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, mas’uuliyiinta wasaarada dastuurka Galmudug, maamulka magaalada Dhuusamareeb iyo Bulshada ku nool caasimadda Galmudug.

Ugu horayn waxaa furitaanka munaasabadaas ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda magaalada Dhusamaereb Cabdi Xaashi Caroole waxuuna soo dhaweeyey qobada Bulshada loo soo bandhigay.

Wasiirka wasaaradda dastuurka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa ka hadlay madashan waxuuna sheegay in Galmudug ay talo ku yeelanayso qabyatirka dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey socdaalkooda ay halkan ku yimaadeen iyo kulamadaan lagu soo bandhiga qodobada laga dooday.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya Ludfi Shariif Maxamed ayaa ka hadlay kulanka waxuuna xusay ahmiyadda howshani leedahay, isagoo bulshada reer Dhuusamareeb iyo guud ahaan reer Galmudug uga mahad celiyey qaab ay talooyinkooda ugu biiriyeen qabta tirka dastuurka Soomaaliya.