Wararkii ugu damneeyay xiisada dalka itoobiya

57

Maamulka Tigray-ga Itoobiya ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan duulaanka uga imaanaya dowlada Abiy Ahmed oo ay sheegeen inay doonayaan inay burburiyaan Nidaamka Federaalka Itoobiya.

Tigrayga ayaa ciidamo xoogan geeyey xaduuda ay la wadaagaan ismaamulka Amxarada halkaasi oo ay gaareen ciidamo tiro badan oo laga kala keenay gobalada Itoobiya iyo waliba qaar kamid ah ciidamada ayaa kasoo dhaqaaqay dhinaca dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka Gedo oo ay ku sugnaayeen.

 Maamulka Tigrayga ayaa sheegay in ciidamada Abiy Ahmed ay bilaabeen inay diyaarado ku duqeeyaan difaacyada caasimada maamulkooda ee Mekelle. Waxaa weli go’an isgaarsiinta deegaankaasi.

 Madaxweynaha Tigray-ga Debretsion Gebremichael ayaa khamiistii shalay sheegay in ay iska difaaceen iskuday ahaa in lala wareego maamulkooda, wuxuuna sheegay in duulaanka lagu soo qaaday ay iska difaaci doonaan.

Waxay Tigrayga ku eedeeyeen in Abiy Ahmed uu doonayo inuu burburiyo nidaamka Federaaliga ah ee Itoobiya ku heshiisay isla markaana qorshihiisa yahay inuu dib u soo celiyo nidaam dowlad dhexe oo uu isagu maamulo.