Lafta gareen oo magacaabay guddiga doorashada heer dowlad goboleed

25

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka heer Dowlad-goboleed ee Koofur Galbeed Soomaaliya kuwaas oo maamuli doona doorashada xildhibaanadda Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.

Xubaha Laftagareen magacaabay oo ka kooban 8 ruux ayaa lagu biiridoonaa 3 xubnood oo ay soo magacaabayso Dowladda Faderaalka Soomaaliya sida ku cad heshiiskii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad-goboleedyada dalka magaaladda Muqdisho ku gaareen 2 October 2020.

Guddigaan ayaa  waxaa lagu biirin doonaa Saddex Xubnood  oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ku cad heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir si ay uga wada Shaqeeyaan doorashooyinka Xubnaha labada Aqal ee ka imaanaya dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed.