Cabdi Xaashi oo ka horyimid Guddiga uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble

37

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble uu ka tagay Xubnihii uu dhawaan u gudbiyay, kuwaasi oo ahaa  Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xubnaha uu  magacaabay R/Wasaare Rooble aysan ahayn kuwii uu gudbiyay,  balse uu sheegay in taasi badelkeeda la qaatay , sida uu hadalka u dhigay xubno uu soo gudbiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mahdi Maxamed Guuleed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo qoraalka uu soo saaray ayaa waxaa lagu ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi aysan ka warqabin,isla markaana matalin.