Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay markale duqeymo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.
Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Dhamase oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida uu soo sheegayo Weriyaha KNN ee Cabdi Majiid Cabaas Aadan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeymaha ay geysteen ciidamada Kenya ay ku baabi’iyeen Xoolo aad u fara badan oo ay lahaayeen dadka deegaanka.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in ay soo wajahday cabsi xoogan.
Ilaa iyo hadal ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Ceelwaaq iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan duqeynta ay geysteen ciidamada Kenya.