Koofur Galbeed oo cabsi ka qabta ayax ku degay deegaannada maamulkaasi

13

Inta badan dhul beereedka gobolka Bakool ayaa waxaa ka da’ay roobka dayrta, inkastoo meelaha qaar ay roob la’aan tahay, islamarkaana uu Ayax faro badan ku habsaday.

Ayaxa oo deegaanno ka tirsan gobolka bakool lagu arkay ayaa walwal badan ay ka qabaaan beeralayda iyo xoola dhaqatada, maadaama deegaannada uu ku dagay dhibaato badan u gaystay haday noqon lahayd baabi’inta dalagga beeraha iyo dhulka daaqsimeedka.

Iskuduwaha Wasaaradda beeraha dowlad goboleedka koofur galbeed soomaaliya ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa sheegay in deegaannada qaar uu ka da’ay roobka dayrta kaasi oo lagu diirsaday balse cabsi laga qabo Ayax faro badan oo qayb ka mid ah dhul beereedka iyo dhulka daaqsinka ah uu ku habsaday.

Dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019 ayay ahayd markii ayax lagu arkay gobollada dalka soomaaliya oo uu gobolka Bakool ka mid yahay,waxuuna dhamaanba baabi,iyay dalagyadii xilgaas,

Si kastaba beeralayda gobolka bakool ayaa hadda ka walaacsan wax soo saarka beerahooda maadaama la filan karo in uu soo gaaro Ayax  aysan haysan wax ay isaga difaacaan.