M/weynaha dalka Ivory Coast oo mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas

7

Guddiga doorashadda dalka Ivory Coast ayaa ku dhawaaqay in m/weynaha dalka dalkaas Al-Assan Wattaara uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday ayadoo ay mucaaradku diidan yihiin.

Wararku waxay sheegayaan in m/weynuhu helay 94% codadka la tiriyay taasoo ka dhigaysa inuu xafiiska sii joogo doono.

Gudoomiyaha guddida doorashada Ivory Coast Kuubirti Koolibalay Ibrahim ayaa sheegay in codadka ay tiriyeen uu inta ugu badan helay m/weyne Al-Assan Watatara oo markii sadexaad m/weyne dalkaas ka noqday.

Mucaaradku horey ayay u diideen doorashadda haddana waxay sidoo kale diideen inay aqbalaan natiijadda soo baxday.

Cabsida ugu badan ee dadka dalkaasi ay qabaan hadda waa in rabashado dhacaan