Amar la duldhigay Ciidamada ka howlgalla deegaannada Koofur Galbeed

33

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Baydhabo ugu qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad,ayaa waxaa laga soo saarey Awaamir ku aadan Askarigii dil ama faldambiyeed geysta una hogaansami waayo Amarka Taliyihiisa , waxaa lala tiigsan doonaa Shaciga .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay gaashaanle dhexe Aamiin Mad daruur iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida qeyta 60aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa fariin udirey Ciidamada Qalabka sida .

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) Ciidamada qalabaka sida farey in u hogaansamaan Sharciga iyo qaanuunka udegsan dalka kana fogaadaan Falalka gurcan .

Xili Magaalada Baydhabo dhawaan la fileyo in ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Taliyaha qeybta 60aad Ciidamada Xoogga uga digey Ciidamada in Siyaasada Aysan saameyn .

Guud ahaan Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxana Awaamiir la siiyay Ciidamada qalabka sida iyadoo dhawaan Baydhabo ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.