Karaash oo doorashada Soomaaliya ku xiray kala dirista Guddi uu waqtigiisu dhammaaday.

25

Sida lagu xusay  wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaaan Karaash, oo lagu socod-siiyay Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi, islamarkaana la ogaysiiyay Madaxweyne Deni, ayaa lagu buriyay  kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga Puntland oo uu kala diray Wasiirka Ganacsiga bartamihii bishii hore (14 October).

Madaxweyne Karaash ayaa amar ku siiyay Wasiirka Ganacsiga Puntland, Cabdullaahi Cabdi Xirsi, in uu ka laabto amarka kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga Puntland, waxaana Guddiga lagu wargeliyay in ay shaqadooda sii wataan, inta ay ka dhammaanayaan doorashooyinka Soomaaliya.

14-kii bishii October ayaa Wasiirka Ganacsiga Puntland kala diray maamulka rugta ganacsiga oo muddada xil hayntoodu dhammaatay, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Puntland in ay doorasho u diyaar garoobaan, hase yeeshee maalintii xigtayba (15-october) ayaa Maamulka Rugta Ganacsigu ka horyimid kala diristooda, iyaga oo ku tilmaamay sharcidarro,waxayna Golaha wakiillada ugu baaqeen in ay Wasaaradda Ganacsiga u sameeyeen toosin.