Xubno Al-Shabaab ah iyo hubkii ay wateen oo gacanta lagu dhigay.

18

War qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa waxaa looga hadlay howlgal ciidamada ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banadir.

NISA ayaa waxaa ay sheegtay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay nolashada ku qabteen shakhsiyaad ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo hub ay wateen.

Howlgalka oo ka dhacay Xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile ayaa qoraalka Hay’ada waxaa lagu sheegay in ragga la soo qabtay ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka iyo weerarada qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

“Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ayaa waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Dhanka kale dadka deegaanka oo KNN la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in xalay howlgalkaasi laga dareemay xaafadaha ka tirsan degmada Deyniile, islamarkaaana uu saameyn ku yeeshay.

Howlgalkan ayaa imaanaya xili masuuliyiin ka tirsan degmada Kaxda iyo dadka shacab ah lagu dilay weerar ka dhacay degmadaasi, islamarkaana dadkii ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Hay’ada NISA ayaa dhowr jeer sidan oo kale waxaa ay sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay shakhsiyaad  ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkii wateen, balse warbaahinta lama wadaagan cadeeyo intaasi ka badan.