Philippe Kridelka” Saadaq Joon waa lagu waayay eedeymo ah inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab”.

74

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa kulankoodii xalay ka sheeegay in wax cadeymo ah loo waayay dacwad ka dhan aheyd taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir General Sadaq John oo lagu soo eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Philippe Kridelka oo ah guddoomiyaha guddiga cunaqabateynta ee Qarramada Midoobey ayaa golaha ku wargaliyay in ay lagu waayay Sadaq John eedeymihii loo soo jeediyay wixii hadda ka danbeeyana uu soo dhamaaday baaritaankii arintaa ku saabsanaa.

“Waxaan rabaa in aan golaha ku wargaliyo eedeymihii ay soo gudbiyeen guddiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee ka dhanka ahaa Sadaq John loo waayay wax cadeymo ah ayuu yiri yiri  Philippe Kridelka oo la hadlayay Golaha Amaanka.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa qarreenno heer caalami ah ayaa wadday dacwado ka dhan ah eedeyta kooxda cunaqabateynta hubka oo ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay in marar badan oo hore warbixino aan sax aheyn ka gudbiso xaalada Soomaaliya iyo saraakiisha dowladda intaba.

Sadaq John ayaa ah sarkaal saameyn badan ku dhax leh hay’addaha Nabad-galyada Soomaaliya, isaga oo horay u soo noqday sarkaal sare oo ka tirsan NISA ka hor inta aan loo dalacsiin taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir.