Dhageyso.Odoyaasha iyo Waxgaradka Baardheereoo Cambaareeyey Dilkii Magaalada Kismaayo loogu geystey Madaxii Shirkadda AMALBANK

65

Odoyaal iyo waxgarad ku shirey Maanta Xaruntii Hore ee shiirkolaha Baardheere ayaa waxaa si weyn ay cambaareeyeen Dilkii maalinimadii Doraad gudaha Magaalada Kismaayo loogu geystey Cabdulaahi Cabdisalaan Sh Axmed(Cabdulaahi Shig shigow) oo ahaa Madaxii Shirkada Amal Bank ee Xarunteeda Kismaayo.

Odoyaashiii iyo Waxgaradkii Hadley ayaa Dilkaasi waxay ku tilmaameen mid horey loo sii qorsheeyey,waxayna ku eedeyen Maamul Goboleedka Jubbaland oo uu Madaxada ka Yahay Axmed Madobe iyagoona sheegay ilaa iyo hadda in ayan jirin Cid loo soo Qabtey Dilkaasi.

Odoaaysha iyo Waxgaradka Baardheere ayaa ugu baaqey Hay,adaha Amaanka,DF iyo Beesha caalamka in ay gacan ka geystaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyey Dilkaasi,islamarkaana Cadaalada loo hor keeni lahaa.