Tog Dhageyso:Suldaan Gurey Xaaji Faarax oo Cambaareeyey Dilkii Kismaayo loogu geystey Agaasimahii Shirkadda AMAL BANK.

96

Suldaan Gurey Xaaji Faarax oo ah Gudoomiyaha Is bedel doonka ee Waqooyiga Ameerika ee Jubaland ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta markabley, waxaa uu ku eedeyey Mas,uuliyiinta Jubbaland ee Kismaayo in ay raad ku leeyahiin Dilkii Magaalada Kismaayo loogu geystey Cabdulaahi Cabdisalaan Sh Axmed(Cabdulaahi Shig shigow) oo ahaa Agaasimahii Shirkada Amal Bank ee Kismaayo waa sidii hadalka u dhigaye.

Dilka noocani oo kale ah ayuu tilmaamay inuu ahaa mid horey loo sii qorsheeyey,islamarkaana lagu bar tilmaameedsanayo dadka wax galka ah,isagoona sheegay ilaa iyo hadda in ayan jirin Cid loo soo Qabtey Dilkaasi.

Golaha Isbedel doonka Waqooyiga Ameerika ee Jubbaland ayaa ugu baaqey Hay,adaha Amaanka,DF iyo Beesha caalamka in ay gacan ka geystaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kuwii ka dambeeyey Dilkaasi,islamarkaana Cadaalada loo hor keeni lahaa