Taliye Xijaar oo Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug

42

Taliyaha Booliiska Soomaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta  gaaray caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb iyadoo garoonka Ugaas Nuur  ay kusoo dhoweyeen Saraakiil, sarakiil xigeenno, iyo maamulka degmada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa soo dhaweyn ka dib waxa uu la kulmay madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah.

Waxaa ka mid ah madaxdii uu la kulmay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor,Taliye Xijaar ayaana warbixin dhinacyo badan siiyay madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arrimaha dib u habeynta ah  dhawan lagu sameyn doono ciidamada booliska ee ka howlgala deegaannada Galmudug.