Khayre oo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabay dalka Turkiga

87

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaaray dalka Turkiga.

Khayre ayaa waxaa ku soo dhaweeyay dalka Turkiga taageeerayaashiisa ku sugan dalkaasi.

Xasan Cali Khayre ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxa uu dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalada Nairobi oo u sugnaa, isagoo sidoo kale horay u tagay magaalooyin ka mid yihiin magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi.

Maanta ayaa sidoo kale uu gaaray dalka Turkiga, isagoo halkaasi uu ka sii wadi doono ololihiisa siyaasadeed ee salka ku haya arrimaha doorashooyinka soo aadan ee dalka uu geli doono, taas oo uu u sharraxan yahay sida uu kal hore ku dhawaaqay.