Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukunno ku riday rag ku eedaysan weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar lagu qaaday

24

Maxamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay Kow iyo Toban Qof oo loo haysto weerar ka dhex  dhacay Xabsiga dhexe bishii aynu soo dhaafnay ee August Sanadkan 2020, iyadoo ku riday xukunno kala duwan.

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yuusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim, oo kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday dambigii lagu soo eedeeyay,sida uu sheegay Guddoomiyahaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunsanayaasha ayaa  haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib, sida ay sheegtay Maxkamaddu.

Sagaal ka  mid ah raggan Maxkamaddu go’aamisay maanta xukunkooda ,ayaa waxaa loo xukumay in ay maalinta uu weerarku dhacayay ay ka gaabiyeen shaqooyinkoodii loo igmaday.