Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay saraakiil ciidan

69

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa loo magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye kuxigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col Xuseen Xoosh.

Saraakiishan la magacaabey ayaa maanta xilka la wareegay xilalkooda, kadib Munaasabad xil wareejin aheyd oo lagu qabtay xaruunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Is bedeladan lagu sameeyay taliska ciidamada xoogga ayaa ku soo aadaya xilli muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo uu ka harsan yahay bilooyin, isla markaana dhowr jeer isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.