BFS oo cod aqlibiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda Cusub ee Ra’iisal Wasaare Rooble

32

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlibiyad leh ku ansixiyay  xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble uu soo dhisay dhawaan.

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 188 mudane,  ma jirin cid ka aamustay ama ka gaabsatay, sidoo kalena ma jirin cid ka hortimid ansixinta Xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble.

Isla maanta ayaa lagu hor dhaariyay xubnaha Golaha Wasiirrada cusub ee ay kalsoonidooda siiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Barnaamijyadeeda.

Shaqada ugu badan ee xukuumaddan hor taalla ayaa ah, qabashada doorashada dalka ee 2020/2021-ka oo waqtigeeda ku dhacda, sida uu balan qaaday ra’iiusl wasaare Rooble, markii uu Baarlamaanku siiyey codkiisa kalsoonida.