Guddoomiye Mursal oo ka hadlay qorshaha shaqo ee baarlamaankan 10-aad

27

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta shir guddoominayey kulankii codka kalsoonida loogu qaaday golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ka hadlay halka ay ku dambeyn doonaan shaqada iyo kulamada golaha.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in golaha aan xiri doonin, isla markaana shaqada iyo kulamada xildhibaanada golaha shacabka ay sii socon doonaan.

Waxa uu sheegay in kulamada golaha ay sii socanayaan illaa inta laga dhameynayo ajendayaasha haatan hor yaalla golaha shacabka.

Sidoo kale guddoomiye Mursal ayaa xusay in kaldhigan 7-aad uu maanta ku egyahay, isla markaana Isniinta soo socota uu si toos ah u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku koobnaa u codeynta kalsooni siinta xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Ra’iisul wasaare Rooble iyo barnaamijka xukuumadda.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa golaha ka hor akhriyey barnaamijka shaqo ee hor yaalla xukuumadiisa, waxuuna golaha ka dalbaday inay ansixiyaan xukuumaddiisa cusub.

Intaas kadib golaha ayaa cod u qaaday xukuumadda Rooble, 188 xildhibaan ayaana u codeysay, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jiraan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo shir guddoon ahaa.